Waxaa maanta magaalada Laascaanood, caasimadda maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, lagu xiray ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo ka mid ah shaqsiyaadka caanka ka ah magaaladaasi, kadib markii lagu eedeeyay falal la sheegay inay la xiriiraan khalkhal gelin amni oo khasaare sababay.
Maxkamadda Gobolka Sool ayaa soo saartay amar lagu xiro Jabuutaawi, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka soo horjeedo maamulka cusub ee Waqooyi Bari. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Jabuutaawi oo hortaagan xabsiga, iyadoo ay la socdaan isimmo deegaanka ah oo si adag uga hor yimid xarigiisa.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in xariga ganacsadaha uu yahay mid isimada matala iyo isagu isla qaateen, lana xaliyey arimaha taagnaa
Saraakiisha booliiska maamulka Waqooyi Bari ayaan illaa hadda ka hadlin xariga Jabuutaawi, oo dhawaan loo diiday inuu ka qayb galo doorashadii madaxtinimada maamulkaas ama aan kasoo muuqan liiska musharaxiintii tartanka gashay.
HBN ONLINE TV