Maxakamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday qoys maalgaliya Alshabaab

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukunno kala duwan ku riday qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen kooxada Alshabaab, islamarkaana ay dhaqaalo malaayiin doollar ah ugu aruurinayeen akoono, iyada oo ugu dambeyn go’aan rasmi ah ka soo saartay.

Xasan Cusmaan Aadan oo ahaa ninka kiiska loo heysto sababtana u ahaa sida ay Maxakamaddu sheegtay in uu malaayiin doollar u aruuriyey kooxda ayaa lagu xukumay 13 sano oo xarig iyo 20 kun oo dollar.

Xaaskiisa oo lagu magacaabo Aamina Abdullahi Abanuur, xaaskiisii hore Xasna Aweys Khaasim iyo gabadhiisa Faadumo Xasan Cusmaan ayaa lagu xukumay min laba sanno oo xarig ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamdda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan).

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeyey ku daba jirtay dadka dhaqaalaha u uruuriya kooxda Alshabaab, iyada oo diiday in cid lacag siin karta ama u qaadi karta aysan jiri karin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed