Maxaad kala socotaa wadooyinka Muqdisho ee dib loo furay kadib 15 sano?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilowday howlgal ballaaran oo lagu furayo waddooyin muhiim ah oo ku xirnaa magaalada Muqdisho muddo ku dhow toban sano. Waddooyinkan ayaa horay loogu jaray dhagxaan iyo biro lagu xannibay gawaarida si aanay kaga gudbin, taas oo caqabad weyn ku noqotay isu socodka shacabka.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in howsha lagu furayo waddooyinka ay si rasmi ah u bilaabatay, iyadoo la adeegsanayo cagafyo iyo gaadiid culus oo qaaday dhagxaantii iyo birihii waddooyinka lagu xiray. Qiyaastii 50 jid ayaa la qorsheeyey in dib loo furo, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo isku socodka gudaha magaalada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kormeeray qaar ka mid ah waddooyinka dib loo furay, kuwaas oo xirnaa in ka badan 15 sano. Intii uu kormeerku socday, madaxdu waxay la kulmeen dadweyne ku soo dhaweeyey tallaabada cusub ee la qaaday, iyagoo ballan qaaday in la sii wadi doono furista waddooyinka kale ee wali xiran.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ay ku doonayaan in lagu soo celiyo bilicda iyo isu socodka caasimadda, laguna fududeeyo ganacsiga iyo nolosha shacabka, xili laga dhawaajiyey in wadooyinka la furayo ay gaari doonaan 108 jid oo halbowle u ah isu socodka Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aankan, maadaama waddooyinka xirnaa ay muddo dheer saameyn dhaqaale iyo nololeed ku yeesheen bulshada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed