Maxaaa ka jira in Turkiga uu Setelite ka dirayo dhulka Soomaaliya

Dowladda Soomaliya ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay qorshaha dowlada Turkiga ee ku aadan in ay ka dhisayso Saldhig setelite ah, kaasi oo kaalin ka qaadanaya galaangalka uu ku yeelanayo Bariga Afrika.

Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabi Barre oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysay jeediyay ayaa waxaa uu ku sheegay in Soomaaliya noqon doonto wadankii ugu horeeyey ee Muslim iyo Afrikaan ah oo Satelite u diray laga dhex diro, iyada oo qorshahaasi uu wado dalka Turkiga.

“Turkiga iyo Soomaaliya waxaa ay ka wada shaqeynayaan mashaariic kala duwan, hadda waxaa socdo mashruuc waa weyn oo uu ka mid yahay dhismaha saldhig Satelite ah looga dhisaayo dalka, Soomaliya waxa ay noqon doontaa mustaqbalka dhow wadankii ugu horeeye ee Muslim iyo Afrikaan oo Satelite tuuro” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ku soo aadaya xili ay soo baxaayan warar ku aadan in dowladda Turkiga ay wado qorshe ay Soomaliya uga dhisaneyso saldhig laga diro Satelite uu Turkiga leeyahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed