Maxaa ugu dambeeyay dagaallada ba’anaa ee ka socda magaalada Goma ee dalka Congo?

Jabhadda M23 ee ka dagaallanta bariga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo laga bilaabo maanta, iyadoo Urur-Goboleedka Bariga Afrika ee loo yaqaan EAC uu isku dayayo inuu kulansiiyo madaxweynayaasha Congo iyo Rwanda shir lagu wado inuu ka dhaco dalka Tanzania maalinta Jimcaha.

Bayaan ay soo saareen jabhaddu ayaa lagu sheegay in aysan doonayn in ay qabsadaan magaalada Bukavu, oo ah caasimadda gobolka Kivu, kadib markii ay toddobaadkii hore la wareegeen magaalada Goma, oo ah magaalo weyn oo muhiim ah oo ku taalla bariga dalka.
Kooxda M23 waa koox hubeysan oo ka dagaallanta bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, gaar ahaan gobolka Waqooyiga Kivu, oo xuduud la leh Uganda iyo Rwanda.

Madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa ka qaybgalaya shirka ka dhacaya Tanzania si looga hadlo xiisadda ka taagan bariga Congo.
Labada madaxweyne ayaan hore uga soo qaybgelin wadahadallo hore oo lagu doonayay in xal nabadeed laga gaaro dagaalka.

Shirka labada maalmood ah ee ay si wadajir ah u qabanayaan EAC iyo SADC oo lagu qabanayo Tanzania maalinta Jimcaha ayaa lagu billaabi doonaa shirar heer wasiir ah.
Madaxweyneyaasha ayaa Sabtida kulan la yeelan doona hoggaamiyeyaal goboleed kale, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Madaxweyneyaasha Rwanda iyo Kongo “waxay xaqiijiyeen ka-qaybgalka shirkan, kaasoo ay ka horreyn doonaan kulamo heer wasiir ah maalinta Jimcaha ka hor inta aysan madaxda sare isugu imaanin Sabtida,” ayuu yiri afhayeenka Ruto.
Dhinaca kale, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Kinshasa ee caasimada Congo ayaa yareysay tirada shaqaalaheeda ku sugan safaaradda. Waxay sidoo kale kula talisay “muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo in ay si degdeg ah uga baxaan dalka iyaga oo adeegsanaya duullimaadyada ganacsiga.”

Kinshasa waxaa ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah Rwanda iyo jabhadda M23, oo ay Qaramada Midoobay iyo dowladda Kongo ku eedeeyaan in ay taageero ka hesho Rwanda – eedeymahaas oo xukuumada Kigali beenisay.
Dibadbaxayaal ayaa dab qabadsiiyay safaaradaha Rwanda, Faransiiska, Belgium, iyo Kenya, iyaga oo ku eedeeyay beesha caalamka in ay indhaha ka qarsanayso xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

Tan iyo billowgii sanadkan, dagaallada u dhexeeya M23 iyo ciidamada ammaanka ee DRC ayaa sababay in in ka badan 400,000 qof in ay guryahooda ka barakacaan.
Kooxda M23, oo la wareegtay magaalooyin iyo tuulooyin badan, ayaa dhawaan go’doomisay magaalada Goma ee bariga dalka.

M23, oo sidoo kale loo yaqaano Jabhadda Kacaanka Congo (RRC), waxay ka dhalatay burburkii heshiis nabadeed oo la saxiixay 23-kii Maarso 2009. Kooxdan ayaa inta badan ka kooban maleeshiyaad kasoo jeeda qowmiyadda Tutsiga ee uu ka dhashay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed