Ciidamada Ruushka ayaa horumar dhanka dhulka ah ka sameeyay gudaha Ukraine, iyagoo qabsaday 430 kiiloomitir oo laba jibbaaran bishii Janaayo, sida wakaalada wararka AFP ee Faransiiska laga leeyahay oo xiganaysa xog ka timid Machadka Mareykanka ee Daraasaadka Dagaalka.
Warbixinta ayaa xustay in Ruushku uu hadda kusii siqayo magaalada Pokrovsk, oo ah xarun muhiim u ah dhanka saadka ciidamada Ukraine. Hase yeeshee, xawaaraha qabsashada dhulka ayaa yara hoos u dhacay marka loo fiiriyo bilihii hore, iyadoo Ruushku uu 476 km² qabsaday bishii Diseembar iyo 725 km² bishii Noofembar, taasoo qeyb ka ahayd horumarka weyn ee uu Ruushku ka sameeyay jiidda hore ee dagaalka tan iyo xagaagii 2024.
Isla wararkan, ciidamada Ukraine ayaa shaaca ka qaaday in tan iyo bilowgii dagaalka (24-kii Febraayo 2022), tirada ciidamada Ruushka ee la dilay ama la dhaawacay ay gaartay 841,660 askari, oo ay ku jiraan 1,300 oo askari oo la dilay ama la dhaawacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
Bayaan kasoo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Ukraine, oo lagu daabacay bogga Facebook, ayaa intaas ku daray in Ukraine ay burburisay:
9,920 taangi, oo ay ku jiraan 12 taangi oo la burburiyay Axadii shalay.
20,685 gaadiid dagaal oo gaashaaman.
22,589 nidaamyo hubka ridada dheer.
1,268 gantaalaha ridada badan.
1,053 nidaamyo difaaca cirka.
369 diyaaradood iyo 331 helicopters.
23,911 drones, 3,054 gantaalaha ridada dheer, 28 markab dagaal, iyo hal gujiska quusa.
35,798 gaadiid xamuul iyo taangiyada shidaalka.
3,731 qalabyo militari oo kale.
Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sheeshada ka soo yeertay ciidamada Ukraine ee ku aadan khasaaraha ay u geysteen ciidamada Ruushka.
HBN Online TV