Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa maanta iyo xalay waxaa ka socda bannaanbaxyo iyo isu-soo-baxyo lagu soo dhaweynayo aqoonsiga dhinac ah ee ay Somaliland ka heshay xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu, kaas oo lagu dhawaaqay galinkii dambe ee Jimcihii shalay.
Warbaahinta Somaliland ayaa sheegtay in bannaanbaxyadaasi ay ka dhaceen magaalooyin ay ka mid tahay Hargeysa, halkaas oo dadweyne fara badan ay muujinayeen taageerada ay u hayaan go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland. Goobo caan ah iyo fagaarayaal ku yaalla caasimadda ayaa lagu qabtay isu-soo-baxyo, bandhigyo faneed iyo dabaal-deg, iyadoo dhalinyaro badan ay lulayeen calanka Israa’iil, waxaana ay warbaahinta siinayeen wareysiyo muujinaya garab-istaag.
Qaar ka mid ah dhalinyarada ka qeybgalay bannaanbaxyada ayaa sawirro iyo muuqaallo ku duubay calanka Isra’iil, kuwaas oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isla markaana dhaliyay falcelin xooggan oo gudaha iyo dibadda ah.
Inkasta oo ay jiraan dad si muuqata u taageeray go’aanka ay Somaliland la gaartay Israa’iil, haddana arrintan ayaa sidoo kale dhalisay mucaaradad gudaha ah, iyadoo warar madaxbannaan ay sheegayaan in dad ka hor yimid bannaanbaxyada la xiray, halka lasoo wariyey in Sheekh caan ah oo si weyn looga yaqaano magaalada Hargeysa lagu xiray.
Dhanka kale, falanqeeyeyaasha siyaasadda caalamiga ah ayaa si weyn uga hadlaya dhacdooyinka is xigxigay ee ka kala dhacay Hargeysa iyo Tel Aviv, iyagoo ku tilmaamay kuwo saamayn ku yeelan kara xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo xiriirka gobolka, si gaar ah Soomaaliya oo ku jirta marxalad aad u qaraar, siyaasad ahaan & dal ahaanba.
HBN Online TV

