Shirweynaha Golaha “Mustaqbalka Soomaaliya” ayaa galinkii dambe maanta ka furmay magaalada Kismaayo, iyadoo ay isugu yimaadeen hoggaamiyaasha mucaaradka Soomaaliya iyo madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland. Shirka ayaa diiradda saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kala-guurka iyo jihada mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo shirka furay ayaa sheegay in gogosha Kismaayo aysan wax u dhimayn dowladnimada Soomaaliya, balse ay tahay madal lagu saxayo lana jaan-goynayo nidaamka siyaasadeed ee dalka. Wuxuu eedeymo u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku dooday in talada dalka aan qof keliya lagu wareejin karin.
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo isna khudbad ka jeediyay shirka ayaa su’aal galiyay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland diyaar u tahay kaalinteeda dhismaha dalka. Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu oggolaado wada-tashi qaran, si dib loogu laabto miiska wadahadalka, loogana heshiiyo hanaanka doorasho.
Shirka Kismaayo ayaa sidoo kale lagu dhameystirayaa hoggaanka Golaha Mustaqbalka, waxaana la filayaa in la doorto guddoon cusub.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa shirka kaga dooday suurtagalnimada in la qaado tallaabooyin culus. Inkasta oo ay jiraan walaacyo la xiriira doorashadii 2022, haddana qaar ka mid ah madaxda maamullada ayaa doorbidaya doorasho dadban oo la ballaariyay.
Golaha Mustaqbalka ayaa si cad uga soo horjeestay doorasho qof iyo cod ah oo ay wado Dowladda Federaalka, isla markaana diiday wax ka beddelka dastuurka iyo muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn, golaha ayaa farriin u diray shacabka, waxayna ugu baaqeen inay u istaagaan sida hadalka u dhigeen badbaadinta dalka, xoojinta midnimada iyo wadajirka.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo war ka soo saartay shirka hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa sheegtay in ujeeddadiisa aysan caddeyn, maadaama dowladdu ku mashquulsan tahay qabashada doorashooyinka golaha deegaanka oo la qorsheeyay in dhammaadka bishan lagu qabto magaalada Muqdisho.
Isha ku haay HBN Online TV

