Maxaa Sababay Dib-u-dhaca ku yimid Furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaacisay in dib loo dhigay furitaanka rasmiga ah ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), kaasoo markii hore lagu waday in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho maanta Khamiis ah, 1-da bisha May.

Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashi qoto dheer oo dhex maray madaxda sare ee dalka, kuwaas oo si mideysan ugu dhawaaqay in la gaadhay in shirka dib loo dhigo ilaa maalinta Isniinta ee 5-ta May 2025.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ah madal muhiim u ah siyaasadda Soomaaliya, waxaana ka soo qaybgala Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo la xiriira xasilloonida siyaasadeed ee dalka, amniga guud, habsami u socodka doorashooyinka, dagaalka ka dhanka kooxaha Alshabaab-Daacish iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah ee muhiimka u ah nidaamka Federaalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dib u dhaca shirka uu la xiriiray arrimo farsamo iyo u diyaar garowga ajandayaasha miiska saaran, iyadoo la doonayo in laga miro dhaliyo wadahadallo natiijo leh oo horseedi kara midnimo qaran iyo xal u helidda caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in shirka NCC uu xoogga saaro xoojinta wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, sidii loogu heshiin lahaa tubta doorashooyinka soo socda, iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Alshabaab. Arrimaha kale ee laga wada hadli doono waxaa ka mid ah dib-u-habeynta ciidamada, awood qeybsiga, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Go’aanka dib-u-dhigista ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo in dhammaan dhinacyada ka qaybgalaya shirka ay helaan waqti ku filan oo ay kaga diyaar garoobaan ajandayaasha taagan, si looga fogaado is mariwaa iyo waqtiga ku lumin doodo aan la qorsheyn.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu waday inay ka qeyb noqdaan balse Garowe ayaa ka gows adeegtay, halka Kismaayo si cad DFS ugu amartay inay ka laabato doorashadii Sanadkii hore.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haya shirka NCC, iyagoo rajeynaya in uu horseedo is afgarad siyaasadeed, xasilooni amni, iyo horumar dhaqaale, waxaana gogoashiisa furan tahay tan iyo bilowgii bishii hore Abriil.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed