Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta Beri ah ay yeesheen kulan wadajir ah oo lagaga arinsanayo arrimaha la xiriira dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka dalka, sida ilo lagu kalsoonsan yahay ay u xaqiijiyeen warbaahinta.
Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa warbixin la xiriirta Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay diyaariyeen hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista dastuurka.
Sidoo kale, Xildhibaanada Labada Aqal ayaa lagu wadaa in loo qaybiyo jadwalka wax-ka-beddelka dastuurka ee cutubyadaasi.
Kulankan wadajirka ah ayaa ka dhici doona xarunta golaha shacabka ah ee Villa Hargeys, waxaana la filayaa in uu noqdo mid muhiim u ah geeddi-socodka dhameystirka dastuurka dalka. Golaha Baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay in ay si buuxda uga soo qeybgalaan kulanka, iyagoo ilaalinaya waqtiga loo asteeyay.
HBN ONLINE TV

