Maxaa looga hadlayaa shirka u dhaxeeya Dawlada & Mucaaradka ee ka socda Villa Somalila?

Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo lagu gorfeenayo xaaladaha guud ee dalka.

Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda Dowladda Federaalka.

Dhanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni & Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.

Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ajandaha shirkan ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha, iyo dadaallada lagu xoojinayo la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo wadatashiga iyo is-afgaradka daneeyayaasha siyaasadda dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed