Maxaa looga hadlayaa shirka Abiy, Geelle iyo Xasan Sheekh ee Jigjiga?

Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta u tagay magaalada Jigjiga ee dowladd deegaanka Soomaalida, wadahadlo looga arinsanayo xaaladdaha amni iyo tan siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha ka taagan gobolka, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka deriska ah.

Xafiiska warbaahinta Ra’iisal wasaare Abiy oo si kooban uga hadlay socdaalka madaxda Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa lagu yiri “Ku soo dhowaada Itoobiya, walaalahayga Geeska Afrika!”

Xukuumadda Jabuuti oo si kale u dhigtay shirka ayaa tiri “Jigjigay ma nabad baa, Seddex hoggaamiye, 3 dal, hal shacab” sida uu ku qoray baraha bulshada wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Ilyas Maxamed Dawaleh.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka Jigjiga uu mudnaan gaar ah siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada dalka.

“Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya” ayey tiri madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbixintii ay ka soo saartay socdaalka Madaxweynaha ee Jigjiga kaga gaabsatay xuska magaca dalka Itoobiya, inkasta oo safarku ka dhacay gudaha dhul ay Itoobiya maamusho, gaar ahaan Deegaanka Soomaalida.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn iyo falanqayn warbaahineed, iyadoo qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay u arkaan tallaabadan mid ku timid duruufo diblumaasiyadeed iyo xasaasiyad siyaasadeed oo ka dhex jirta dalalka gobolka, iyada oo aanay Soomaaliya dhulkaasi u aqoonsanayn in Itoobiya leedahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed