Maxaa looga hadlayaa shirka 3-aad ee Culimada Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacaya?

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu wadaa in si rasmi ah looga daah-furo Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay ka soo qayb-galeen culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddaba ka timid. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaraya arrimaha taagan ee bulshada, gaar ahaan abaaraha, colaadaha, iyo midnimada.

Muddo afar maalmood ah ayaa culimada iyo mas’uuliyiinta ka qaybgalaya lagu wadaa inay ka doodaan xalalka waara ee looga bixi karo caqabadaha dalka haysta.

Sidoo kale, waxaa la dhegaysan doonaa khudbadaha madaxda dowladda, oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo culimada ka kala yimid gudaha iyo dibadda. Ilaa hadda, culimo dhowr ah ayaa jeediyey hadallo ay uga hadlayaan xaaladaha xasaasiga ah ee dalka ka jira.

Shirka oo si heersare ah loo agaasimay ayaa lagu wadaa in gabagabadiisa laga soo saaro warmurtiyeed ka turjumaya qodobada lagu gorfeeyey iyo talooyinka mideysan ee culimada Soomaaliyeed.

Isha ku haay Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed