Maxaa looga hadlay kulankii Siciid Deni & wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, iyada oo kulanka ay ka qayb ahaayeen masuuliyiinta ka socday Puntland & Qaramada Midoobay.

War ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in kulankan looga hadlay wax lagu micneeyay “dowlad dhiska Soomaaliya” iyo arrimaha Puntland sida amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda, iyo waliba arimaha mashaariicda hormarineed ee deegaanada maamulka.

Safarka Wakiilka Qaramada Midoobay uu ku tagay magaalada Garoowe ayaa ku soo aadaya iyadoo uu taagan yahay khilaaf u dhaxeeya Dawlada Soomaaliya & Puntland, isla markaana Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni uusan ka soo qayb galin kulamada Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada & kuwa Dawlada Soomaaliya.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed