Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Suudaan Gaashaanle Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal iyo wafdi uu hoggaaminayay oo socdaal shaqo ku soo gaaray magaalada Muqdisho.
Gaashaanle Sare Mufadal ayaa Madaxweynaha u gudbiyay dhambaal uu ka siday Guddoomiyaha Golaha KMG ee Suudaan, General Cabdel Fataax Al-Burhaan, kaas oo lagu xaqiijiyay sida dowladda Suudaan uga go’an tahay xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan meelaha danaha wadajirka ah laga leeyahay.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad, iyadoo madaxtooyadu kulankan ku tilmaantay mid is xog wareysi iyo wada hadal amni ku saabsan xalalka labada dal.
Kulankan ayaa ku soo aaday xilli ay soo baxeen warbixino sirdoon oo sheegaya in dowladda Imaraadka Carabta – oo khilaaf siyaasadeed oo adag kala dhaxeeyo xukuumadda Khartuum – ay kooxo colaad u shaqeystayaal ah kaga daadgureysay ama marsiisay garoonka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Puntland.
Xubnahaasi ayaa la sheegay in si toos ah uga qeyb qaateen dagaalka ba’an ee ka socda gudaha dalka Suudaan, halkaasi oo tan iyo horaantii sanadkii 2023 xaalad nolol oo adag ay ka taagan tahay.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Imaaraadka & maamul goboleedka Puntland oo beenin ama xaqiijin ah oo ku aadan wararkan.
HBN ONLINE TV