Maxaa looga hadlay kulanka madaxweyne Deni iyo safiirka UK?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo, kaasi oo gaaray Puntland.

Kulanka labada dhinac oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah golaha xukuumadda maamulka, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta arrimaha Puntland, waxaana si gaar ah looga hadlay hawlgalka ciribtirka waxa loogu yeero argagixisada Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad iyo xasilinta deegaannada laga saaray.

Wafdiga ka socda dowladda Ingiriiska ayaa kulan- doceed la qaatay xubno ka mid ah golaha xukuumadda Puntland, saraakiisha amniga iyo la-taliyeyaal madaxweyne.
Puntland ayaa dagaal socday in mudda ah waxey ka wadaa dhulka buuraaleyda ee gobolka Bari, iyadoo sheegtay iney guulo la taaban karo ka soo hoysey dagaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed