Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyadoo kulankaasi lagu gorfeeyay akhrinta 1-aad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qoyska xili uu la kulmay diidmo culus oo xildhibaannada qaar ah.
Wasiirka Qoyska Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa mudanayaasha baarlamaanka horgeysay waxyaabaha muhiimka ah ee uu axdigan xambaarsan yahay, iyadoo caddeysay in Soomaaliya ay ka gaabsatay afar qodob oo ka mid ah axdiga, kuwaas oo ay sheegtay inay ka hor imaanayaan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliya.
Wasiiraddu waxay xustay in axdigu uu dammaanad qaadayo xuquuqda caruurta, sida joojinta askareynta caruurta, helitaanka daryeel caafimaad, waxbarasho, iyo ilaalin sharciyeed oo heer qaaradeed ah. “Ansixinta axdigan waxay suurtagal ka dhigeysaa in carruurta Soomaaliyeed helaan difaac sharciyadeed oo waafaqsan heerka Afrika,” ayey tiri wasiir Khadiija.
Sidoo kale, dood adag ayaa ka dhalatay akhrinta axdigan, iyadoo xildhibaanno badan ay si kulul uga horyimaadeen, kuna dooday in qodobo ka mid ahi ay si toos ah uga hor imanayaan Diinta Islaamka iyo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya. Qaar kamid ah mudanayaasha ayaa si cad u dalbaday in axdigan gabi ahaanba laga laabto.
Dhanka kale, xildhibaano kale oo aragtidaasi ka duwan qaba ayaa taageeray wasaaradda, iyaga oo ku baaqay in si qoto dheer loo eego qodobada axdiga, lana meelmariyo si loo helo nidaam sharciyeed oo carruurta Soomaaliyeed difaaca.
Wasiirad Khadiija Al-Makhzoumi ayaa si adag u beenisay eedaha sheegaya in axdigan uu khilaafayo diinta, iyadoo ku adkeysatay in qodobada laga gaabsaday ay tusaale u tahay sida dowladda Soomaaliya uga taxaddarayso waafajinta axdiga iyo diinta Islaamka.
Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta ayaa la ansixiyay 19-kii November 1999, kaasi oo ay ku dhanyihiin 51 dal Afrikaan ah, hase yeeshee waxaa weli aan meelmarin afar dal oo kala ah Soomaaliya, Morocco, Tunis iyo Suudaanta Koonfureed. Golaha shacabka ayaa la filayaa in ay ka doodaan akhrinta labaad iyo ansixinta mustaqbalka dhow ee axdigan.
HBN ONLINE TV