Maxaa laga ogyahay waxaa sanadkan uu ku saabsanaa shirka Bulshada Bariga Afrika iyo Soomaaliya xubin muhiim heshay?

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kaga qayb galay meertada 25-aad ee shir madaxeedka caadiga ah ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka xubnaha ka ah ururka si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale.

Madaxweynaha ayaa madasha shirka ka jeediyay khudbad uu badi kaga hadlay  horumarka Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada amniga, dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo dhammeystirka dastuurka. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dalalka Bariga Afrika iyo horumarinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Intii uu shirka socday waxaa sidoo kale lagu dhaariyay garsoore Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi, oo ka mid noqday Garsoorka Maxkamadda Caddaaladda Ururka Bulshada Bariga Afrika, halkaas oo uu Soomaaliya ku matali doono.

Shirka sanadkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isdhexgalka gobolka iyo fududeynta ganacsiga xuduudaha ka gudba ee u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ururka. Waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay hoggaanka sanadlaha ah ee shir guddoonka ururka.

Ugu dambeyn, hoggaaminta shir guddoonka Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa waxaa la wareegay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, kaas oo xilka kala wareegay Madaxweynaha Kenya, William Samoei Ruto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed