Maxaa laga ogyahay wadahadalada Itoobiya iyo Soomaaliya ka yeesheen xaaladda amniga gobolka?

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qoraal ku shaaciyey baraha bulshada ku sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo yimid maalin uun kadib markii Itoobiya si rasmi ah u furatay biyo-xireenka ugu weyn Afrika ee Nile, taas oo kordhisay xiisadda ka dhexeysa Itoobiya iyo Masar.

Wuxuu tilmaamay in ay xaqiijiyeen ka go’naashaha sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida amniga iyo horumarka, maadaama Soomaaliya iyo Itoobiya ay daris yihiin.

“Waxaan saaka la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan ka wada-hadalnay danaha guud ee gobolka. Waxaan mar kale xaqiijinnay sida ay nooga go’an tahay kobcinta xasilloonida, amniga, iyo horumarka gobolka oo dhan.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Si la mid ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna yiri “ Maanta waxaan kulan miro-dhal ah ku yeeshay Addis Ababa aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed. Wadahadaladeennu waxay diiradda saareen danaha labada dal, xasilloonida gobolka, iyo siyaabaha lagu qoto-dheereyn karo iskaashiga. Waxaan ku celcelinay aragtiyaha aan wadaagno ee ku aaddan danaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo guud ahaan gobolka.”

Kulankan ayaa yimid maalin uun, kadib markii ay Itoobiya si rasmi ah xariga uga jartay biyo-xireenka ugu weyn Qaaradda Afrika ee koronto laga dhaliyo ee Nile, kaas oo sare usii qaaday xiisadda kala dhexeysay Masar oo ay muddo isku hayaan arrinta wabiga Nile-ka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka horreeyay mid kale oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo looga arrinsanayey maalgelinta Howlgalka AUSSOM.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Guba ee dalka Itoobiya ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasilinta gobolka, iyadoo si gaar ah loo dul istaagay ahmiyadda taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xili haatan Midowga Afrika uu la daala dhacayo culaysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka ATMIS loona beddelay AUSSOM.
Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaal arrimaha amniga iyo siyaasadda ah ayaa qaba in xal waara uusan ku imaan karin oo keliya joogitaanka ciidamada ajaanibta. Waxaa la is weydiinayaa sida ay suurtagal u tahay in amniga la sugo iyadoo aan jirin isfaham siyaasadeed oo gudaha ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed