Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada Baydhabo ku sugan maalinkii labaad ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, isaga oo shir guddoomiyey shirka golaha wasiiradda Maamulka, kaasi oo lagu lafa guray xaaladda arimaha Siyaasadda, Amniga iyo arimaha Itoobiya.
Waxaa kale oo kulanka lagu faaqiday xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo qorsheyaasha bixitaanka Howlgalka ATMIS gaar ahaan ciidamada Itoobiya.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa wada dadaalo uu Madaxweyne Laftagareen ugu qancinayo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeyna maamulka iyo dowlad federaalka, si looga hortago kala arragti duwanaan soo ifbaxday todobaadyadii ugu dambeyey oo maamulka dowladda ka qabay.
Waxaa kale oo xogta ka soo baxaysa kulankaasi oo qayb ka yihiin waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa tilmaamaya in la isku soo qaaday sidii Madaxweyne Lagtagareen uga qeyb gali lahaa shirka soo socda ee madasha wadatashiga qaran ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.
Kulamada ka socda Baydhabo ayaa imaanaya xilli deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobolka Bakool ay ka dhaceen bannaanbax lagu taageerayay ciidamada Itoobiya in ay sii joogaan gudaha dalka, lagu diidanayaa kuwa Masar in ay yimaadaan.
Arintaasi ka dib oo muran soo kala soo kala dhex galay DFS iyo maamulka Koonfur Galbeed, halka qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ee Koonfur Galbeed ka soo galaya ay ku gacan sayreen in Ciidamadaasi deegaannadooda laga saaro, iyada dowladdu ku andacootay in ay u madaxbanaan tahay go’aanka dalka.
HBN ONLINE TV