Maxaa laga ogyahay Ciidamada Masar ee Soomaaliya loo soo dirayo

Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Masar ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasi oo siday saraakiil iyo agab ciidan oo hordhac u ah ciidamada dalkaasi oo lagu wado in Soomaaliya yimaadaan.

Ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya ayaa daba socda heshiis dhanka difaaca ah oo ku dhawaad saddex toddobaad ka hor ay magaalada Qaahira ku kala saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi.

Ciidamadan laga soo dirayo dalka Masar ayaa gaaraya 5,000 oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, halka 5,000 oo kale ay si madax banaan u shaqeyn doonaan si ay u taageeraan dowladda Federaalka Soomaaliya sida aan ka soo xiganay saraakiil ka agdhow.

Ciidamadan ayaa la filayaa in la dejiyo deegaano kala duwan oo ay ka mid yihiin Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana si gaar ah diiradda loogu saarayaa gobolka Hiiraan.

Imaatinka ciidamada milateriga Masar iyo qalabkooda ayaa loo arkaa horumar la taaban karo oo ku aaddan xoojinta iskaashiga milateri ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Iskaashigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Addis Ababa ay la saxeexdeen Somaliland.

Heshiisku wuxuu dhaliyay khilaaf diblomaasiyadeed, iyadoo Soomaaliya ay u aragtay ficillada Itoobiya mid xad gudub ku ah madax-bannaanideeda. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa muujisay rabitaan ku aaddan in Masar ay door ka cayaarto howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee soo socda, kaa soo bedeli doona howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) bisha Janaayo 2025.

Hawlgalkan cusub ayaa la filayaa inuu qaato waajibaad ka sii adag. ku lug lahaanshaha Masar waxa ay muujin kartaa is-waafajin qoto dheer oo istiraatiiji ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Qaahira.

Waxaa xusid mudan xilliga ay ciidamada Masar u soo dirayaan Soomaaliya, iyadoo ay ku soo beegantay xilli uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in kordhinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya ay la leedahay Masar ay jawaab u noqon karto xurgufta siyaasadeed ee ballaaran ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Masar, gaar ahaan arrinta ku saabsan muranka wabiga Niil. Colaadan ayaa ah mid muddo dheer ka jirtay gobolka, iyadoo labada dal ay ku loolamayaan inay saameyn ku yeeshaan kheyraadka webiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed