Maxaa laga og yahay xogta diyaaraddii shilka ku gashay duleedka Muqdisho iyo xogta dimashada ?

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in diyaarad ay ku burburtay qiyaastii 24-km dhanka Koonfur-galbeed ee Muqdisho, taasi oo sababtay dhimashada dhammaan shantii qof ee saarnaa.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka diyaaradda burburtay waxay ahayd DHC-5D Buffalo oo leh diiwaangelinta 5Y-RBA. Shilku wuxuu dhacay abaare 5:43 galabnimo saacadda maxalliga ah.

Ka hor inta diyaaraddu burburin waxay ka soo kicitintay degmada magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada-hoose, iyadoo ku soo wajahneyd Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Abdulle ee Muqdisho, sida lagu xusay bayaanka ay soo saartay Hay’adda Duulista.

Howlgallada raadinta oo ay ka qeyb qaateen hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaashooda ayaa saamaxday in goor dambe oo habeen ah la gaaro goobta ay shilka ku gashay diyaaraddu ee koonfurta Muqdisho ah.

“Waxaa saarnaa shan qof, dhammaantoodna nasiib darro waa ay ku naf waayeen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka hay’adda oo lagu sii daray in tacsi loo dirayo qoysaska iyo ehelada ay saameynta ku yeelatay musiibadan.

Sioo kale, Diyaaraddan Buffalo ayaa inta badan loo isticmaalaa howlaha gaadiidka iyo gargaarka bani’aadamnimo, gaar ahaan goobaha fogfog iyo deegaanada ay adag tahay in lagu safro. Waxaa caan ka dhigay awoodeeda inay ka duusho ama ku degto garoomada yaryar, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon xaaladaha adag ee Soomaaliya.

Dhanka kale, diyaaradda ayaa la sheegay in Dhoobley ay gaysay sahay ay u siday ciidamada Midowga Afrika ee gobolka ku sugan, iyada oo ilo-wareedyo u sheegeen warbaahinta in diyaaradda ay dhibaato farsamo la kulantay subaxnimadii Sabtida intii ay ku sugnayd Dhoobley, hase yeeshee ciladdaasi la sheegay in la xaliyay ka hor inta aysan soo duulin.

Sababta keentay shilka weli waa la baarayaa, waxaana hay’adaha duulista hawada ay sheegeen in faahfaahin dheeraad ah la soo bandhigi doono marka xog cusub ay soo baxdo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed