Maxaa laga og yahay warqada Madaxweynaah Soomaaliya u diray dhiggiisa Maraykanka

Sida ay aragtay jimcihii wakaaalada wararka ee Reuters, dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay Maraykanka ogolaansho gaara oo ah maamulida saldhigyo cirka ag iyo dekaddo sida lagu qoray warqad uu madaxweyne Xasan Sheekh u diray dhigiisa Maraykanka Donald Trump.

Warqada oo la diray 16-kii bishan Maarso oo uu caddeeyey diblumaasi heer gobol ah oo arrintan wax ka ogaa, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in hantidaas ay ka mid yihiin saldhigga ciidamada cirka ee Balidoogle iyo sidoo kale dekeddaha Berbera iyo Boosaaso. Sida aanu ka soo xiganay Reuters.

Balidoogle ayaa qiyaastii 90-km (55 mayl) dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho. Dalabkan ayaa Mareykanka siin kara joogitaan adag oo dhanka ciidamada ah ee gobolka Geeska Afrika isagoo u muuqda inuu ka hortagayo khatarta kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

“Hantidan ma guurtada ah ee istaraatiiig ah ayaa siinaysa Maraykanka fursad uu ku xoojiyo xiriirkiisa gobolka, iyadoo la hubinayo helitaanka joogtada ah ee milatariga iyo sahayda, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha dibadda inay ka sameystaan joogitaan waddada muhiimka ah ee tan,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumada federalka weli wax jawaab kama bixin warqadan, mana la hadlin warbaahinta si xog dheeraad ah loo helo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa si adag ugu horyimi qorshan isagoo ku tilmaamay wax an suurtagal ahayn.

“Maxaa wada shaqayn ah? Maraykanku waxa uu ka tanaasulay nidaamkan musuqmaasuqa ah ee la isku oran jiray Soomaaliya, Maraykanku hadda waxa uu diyaar u yahay in uu la macaamilo Somaliland,taas oo dunida tustay in uu yahay dal nabad ah, xasiloon oo dimuquraadi ah,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed