Maxaa laga og yahay kulanka gaashaanbuurta geeska Afrika tooshka ka shideysa?

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin ayaa Maraykanka kula kulmay wasiiradda dalalka Masar iyo Eritrea, waxaana ay kawada hadleen arimaha is kaashiga ee ka dhaxeeya dalalkooda iyo xaaladda gobolka.

Kulanka New York ee wasiiradda Axmed Macalin Fiqi uu la yeeshay Badar Abdelatty oo Masar ah iyo Cismaan Saalax oo Eritrea ah ayaa lagu micneeyey is xulufeysi gobolka ah oo ku sahminayaan habab kor loogu qaadayo isuduwidda iyo is waafajinta danaha siyaasadeed ee dalalkooda.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Kulan uu ku suntana sida hadalka uu u dhigay iskaashi iyo wadashaqayn in uu ka tutjumayo ee danaha shucuubta iyo dawladaha saddexda ah ee Masar, Eritrea iyo Soomaaliya.

Fiqi oo bogaadiyey wasiirada arrimaha Dibedda ee Masar Badar Abdelatty iyo Eritrea Cismaan Saalax ayaa carrabaabay in ay ka wada hadleen xaaladda gobolka, isaga oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Dulmi ma jiro waxaan ahayn daalimiinta”.

Kulanka Wasiiradda kulmiyey oo ahaa shirka Qaramada Midoobey ee New York oo sanadkan diiradda lagu saarayey xaaladda dunidu ku sugantahay ayaa noqday mid xaalad kale sii abuuri sida ay qabaan quburadu.

Soomaaliya oo heshay hub iyo saaxiibo dana wadaag ay ka dhaxeyso ayaa u muuqda mid Itoobiya tusaya gaashaanbuurta ka dul cartamaya ee kaabaya dalka ka soo kabanaya sagaalada tobanaanka sannadood ee dalka la degay sida ay sheegayaan quburada lafagura xaaladda gobolka.

Sida oo kale kulanka ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Muqdisho ka soo dejiyey saanad ciidan Markab Masar leedahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed