Maxaa laga filan Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Al-Sisi?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Cabdulfataax Al-Sisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalaya furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar, isagoo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka lagu martiqaaday munaasabaddaas taariikhiga ah.

Inta uu joogo Qaahira, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona Madaxweyne Al-Sisi iyo madax kale ee caalamka, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka ka dhexeeya, iskaashiga amniga, iyo fursadaha horumarineed ee gobolka.

Masar ayaa dhawaan noqotay mid ka tirsan howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, iyadoo la filayo in ciidamo Masri ah ay dhawaan soo gaaraan dalka, halkaas oo durba lagu diyaariyay xarumo ay degi doonaan.

Soomaaliya iyo Masar waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah oo ku dhisan dhaqanka, diinta iyo iskaashiga siyaasadeed, waxaana labada dal si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha Badda Cas, waxbarashada, iyo xiriirka ka dhexeeya ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa bilihii u dambeeyay si weyn u xoogeysanayay, kaddib markii Qaahira ay si buuxda u garab istaagtay Muqdisho, xilli ay sii kordhayeen xiisadaha siyaasadeed ee Itoobiya oo damac ka muujisay biyaha Soomaaliya.

Dhanka kale, is-aragga labada hoggaamiye ayaa la filayaa inuu dib u soo nooleeyo xiriirka saddex-geesoodka ah ee Qaahira, Muqdisho iyo Asmara, iyadoo saddexda dal ay si dhow isha ugu hayaan dhaq-dhaqaaqyada Itoobiya ee ku aaddan raadinta marin badeed ay ku gasho Badda Cas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed