Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa maalinta Berri oo Isniin aj, iyadoo xaaladdu tahay mid aan caadi ahayn.
Kulamadii ugu dambeeyay ee golaha ayaa dhowr jeer dib u dhacay, qaarkoodna gabi ahaanba baaqday, sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed, kooram la’aan iyo xaalada waddooyinka Muqdisho oo saameyn ku yeelatay isu imaatinka xildhibaannada.
Kulankii ugu dambeeyay ee la qorsheeyay, oo dhacay Sabtidii, ayaa baaqday kadib markii xildhibaanno badan aysan ka soo qayb geli karin sababo la xiriira waddooyinka oo xiran, sida uu shaaciyay Habdhowraha Golaha Shacabka. Waxaa uu sidoo kale sheegay in kooram la’aanta ay keentay in kulanka si rasmi ah u baaqdo.
Xaaladdan ayaa muujinaysa duruuf adag oo golaha haysata, taasoo ay ka mid yihiin kala qaybsanaan siyaasadeed iyo dareen guud oo ah in hawlaha baarlamaanka aysan si hufan u socon. Waxaa sidoo kale soo baxaya walaac ah in arrimaha muhiimka ah ee horyaalla baarlamaanka, sida sharciyeynta hindise sharciyeedyo, dib u eegista sharciyo kala duwan iyo doodo la xiriira doorashooyinka.
Haddaba, kulanka berri ayaa ah mid muhiim ah, waxaana laga filan karaa in:La isku dayo sidii xildhibaanada loogu dhiirigelin lahaa ka soo qeybgal buuxa si kooramku u dhismo, laga hadlo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadeed iyo amni in la eego wax ka qabashada baaqashada kulamada joogtada ah.
Si kastaba ha ahaatee, haddii xaaladaha jira ee baajinta kulamada aan xal rasmi ah loo helin, waxay halis gelin kartaa waajibaadka dastuuriga ah ee golaha shacabka, xili guddoomiyaha golaha uu ku dhawaajiyey in Kalfadhigaan 6-aad uu ku dhow yahay inuu baaqdo, kadib makrkii aan la meelmarin badi qodobadii ku jadwaleysnaa.
HBN ONLINE TV