Maxaa la ogyahay wejiga koowaad ee Heshiiska Gaza ee lagu dhawaaqay?

Ka dib wadahadallo dadban oo ka socday magaalada Sharm el-Sheikh muddo saddex maalmood ah una dhexeeyay wafdiyada Dhaqdhaqaaqa Xamaas, Israa’iil iyo dhexdhexaadiyeyaasha, xalay saqdii dhexe waxaa lagu dhawaaqay in la gaaray heshiis ku saabsan wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku saabsan Marinka Gaza.

Wejiga koowaad wuxuu ka kooban yahay xabbad-joojin aan weli la cayimin taariikhdeeda dhaqan-galka, iyo sii-deynta maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo Marinka Gaza ugu dambayn Isniinta soo socota, iyadoo la sugayo saxiixa rasmiga ah ee heshiiska soo afjari doona dagaalka dhiigga badan sababay ee soo socday mudada labada sano ee xiriirka ah.

Goorma ayaa la saxiixi doonaa heshiiska?

Dhexdhexaadiyeyaasha weli ma aysan shaacin taariikhda rasmiga ah ee saxiixa, balse waxaa la filayaa in lagu saxiixo Masar galabnimada maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegeen ilo wareed reer Falastiin ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka AFP. Wakaaladda Reuters ayaa iyana ka soo xigatay ilo Israa’iili ah oo xaqiijiyay in laba kulan oo ay yeelan doonaan golaha ammaanka iyo xukuumada Israa’iil ay qabsoomi doonaan si loo ansixiyo heshiiska 5 galabnimo waqtiga maxalliga ah.

Muxuu heshiisku ka koobanyahay

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in heshiiska u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee wejiga koowaad ee qorshihiisa uu “ka dhigan yahay in dhammaan la haystayaasha la sii dayn doono goor dhow, Israa’iilna ay ciidankeeda dib ugu celin doonto xariiqda la isla ogyahay, kuwaas oo ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee loo qaaday nabad waarta oo xooggan” sida hadalka uu u dhigay.

Sida uu sheegay sarkaal sare oo Xamaas ah oo ay soo xigatay AFP, kooxda ayaa hal mar sii dayn doonta 20 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah oo nool, iyagoo beddelkeedana Israa’iil sii deyn doonto in ka badan 2,000 maxbuus oo Falastiini ah, kuwaas oo 250 ka mid ah ay yihiin kuwa xabsi daa’in lagu xukumay, iyo 1,700 oo la xiray tan iyo markii dagaalku bilowday laba sano ka hor. Ilo Falastiini ah oo la socday wadahadallada ayaa sheegay in maxaabiis is-weydaarsigan la fulin doono 72 saacadood gudahood laga bilaabo bilowga dhaqan-galka heshiiska, isagoo tilmaamay in “heshiiska lagu gaaray oggolaanshaha dhammaan garabyada Falastiiniyiinta.”

Isla ilahaas ayaa u sheegay AFP in heshiisku uu sidoo kale dhigayo in ugu yaraan 400 gaari oo gargaar ah la galiyo Marinka Gaza “intii lagu jiro shanta maalmood ee ugu horreeya ka dib xabbad-joojinta,” iyadoo tiradaas la kordhin doono maalmaha xiga. Ilo wareedka ayaa intaasi ku daray in heshiisku sidoo kale uu oggolaanayo in dadka barakacayaasha ah ee ka yimid Koonfurta Gaza ay dib ugu laabtaan magaalada Gaza oo ah bartamaha iyo dhanka waqooyiga Gaza marka uu dhaqangalo heshiisku.

Marka laga hadlayo bixitaanka ciidanka Israa’iil, telefishinka ABC ee Mareykanka laga leeyahay ayaa ka soo xigatay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad in bixitaanka ciidan ee ku wajahan xariiqda kala qaybiya Gaza uu qaadan doono wax ka yar 24 saacadood marka Tel Aviv ay ansixiso heshiiska.
Marka la eego maxaabiista Israa’iiliyiinta ee geeriyooday, sarkaal xog ogaal ah ayaa u sheegay wargeyska New York Times in maydadka ku dhawaad 28 qof oo maxbuus ah lagu soo celin doono marxalado kala duwan isagoo u sababeeyay qaarkood in ay qaadan doonto waqti dheer in la helo.

Maxay yihiin tallaabooyinka xiga?

Dhexdhexaadiyeyaasha weli ma aysan shaacin faahfaahinta heshiiska, hase yeeshee afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar, Majid al-Ansari, ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay isku raaceen “dhammaan shuruudaha iyo habraacyada hirgelinta wejiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza, si ay u horseeddo joojinta dagaalka, sii deynta maxaabiista Israa’iil iyo Falastiin, iyo gelitaanka gargaarka, faahfaahinta rasmiga ahna waa la shaacin doonaa goor dambe.”

Trump ayaa la filayaa inuu u safro Masar maalmaha soo socda, ka dib markii Aqalka Cad uu sheegay inuu ka fakarayo booqasho gobolka uu ku tago.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Netanyahu, ayaa ku casuumay Trump inuu khudbad ka jeediyo baarlamaanka Israa’iil, waxaana Trump u sheegay Axios inuu diyaar u yahay arrintaas.

Maxaanan weli la ogeyn?

Faahfaahinta aasaasiga ah ayaan weli la caddeyn, waxaa ka mid ah waqtiga rasmiga ah ee dhaqan-galka heshiiska, maamulka Marinka Gaza ka dib dagaalka, iyo masiirka Xamaas.
Mana jiraan tilmaamo cad oo muujinaya cidda maamuli doonta Gaza marka dagaalku dhammaado. Qorshaha 20-ka qodob ee Trump wuxuu muujinayaa door uu ku yeelan doono Maamulka Falastiin, balse kaliya marka lagu sameeyo isbeddello waaweyn.

Goorma ayaa lagu dhaqaaqi doonaa wejiyada kale?

Heshiiska illaa hadda wuxuu quseeyaa wejiga koowaad ee qorshaha Trump, balse wejiyada xiga oo ay ka mid yihiin hub ka dhigista Xamaas iyo sameynta dowlad farsamo oo Falastiini ah oo maamusha Gaza iyadoo la hoos geynayo kormeer caalami ah oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maraykanka waxay u baahan yihiin wadahadallo dheeraad ah. Sarkaal Xamaas ka tirsan ayaa sheegay in wadahadallada ku saabsan hirgelinta wejiga labaad ee qorshaha Trump ay isla markiiba bilaaban doonaan marka wejiga koowaad la dhaqan geliyo.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed