Maxaa la ogyahay isku dayga kulantiisa Xasan Sheekh & Abiy Axmed?

Dadaalo lagu doonayey in lagu kulansiiyo Madaxweyne Xasan Sheekh & Abiy Axmed ayaa fashil ku soo idlaaday, ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku gacan sayrtay garwadeennadii arintaasi ku jiray, oo ay ugu horeysay Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo horraantii sanadkaan shaaciyay heshiis dhaawac ku ah midnimada iyo Wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan,Kulankaan waxaa abaabulkiisa lahaa Madaxweyneyaasha Jabuuti & Muritaaniya oo uu wehliyo Madaxweynihii hore ee Dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo haatan ah ergay ka tirsan Ururka Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa todobaadkii hore sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu Magaalada Beijing uu ku kulansiinayo Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, haddii ay u suuragasho.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo deris la ah Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhankiisa isku dayay kulansiinta Xasan Sheekh Maxamuud & Abiy Ahmed Cali balse noqday mid guuldareystay isku daygaas, maadaama Madaxweynaha Soomaaliya uu diiday, isaga oo horay qudbado uu jeediyey ku andacooday ilaa MoU-ga ay Itoobiya ka laabeyso aysan hor tagi doonin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu dib uga laabto damaciisa gurracan, si loo saldhigo in labada Dal uga wadahadlaan waxyaabaha danaha u ah balse inta uu ku adag yahay mowqifkiisii hore aanay dhici Karin wax wadahadal ah.

Diidmadaan waxa ay kusoo beegmaysaa iyada oo labo jeer lagu kala tegay gogoshii wadahadalka ee Turkiga uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa, waxaana loo ballansan yahay waji saddexaad oo bartamaha bishaan Sebteember qabsoomaya, taasi oo garwadeeen ka tagay Ankara oo xiriir fiican la leh labada dowladood.

Sooaaliya ayaa shuruud wadahadal fool ka fool ah oo ay la yeelato Itoobiya ku xirtay in marka hore Xukuumadda Addis Ababa ay burburiso heshiis beenaadkii ay shaacisay horraantii sanadkaan 2024 in ay la gashay Maamulka Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed