Maxaa keenay in maanta duullimaadyada Kenya & Soomaaliya hakad galaan?

Qaar ka mid ah duullimaadyadii lagu waday in maanta ay ka baxaan ama soo galaan garoomada diyaaradaha Kenya ayaa dib u dhac iyo hakad ku yimid, kadib markii shaqaalaha garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ay sameeyeen dibadbax saameeyay howlihii shaqo.

Hay’adda Garoomada Diyaaradaha Kenya (KAA) ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso hay’adaha duulista, shirkadaha diyaaradaha iyo dhinacyada kale ee ay khusayso, si loo yareeyo saameynta ay xaaladdu ku yeelanayso rakaabka iyo howlaha garoonka.

Maanta waxaa guud ahaan hakad galay duullimaad u kala gooshi lahaa Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo rakaabkii Soomaaliya ka dhoofi lahaa ama ka imaan lahaa Kenya lagu wargeliyay in jadwalkii duullimaadyada uu saameeyay xaaladda ka taagan garoonka Jomo Kenyatta.

Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha garoonka ay dibadbaxa u sameeyeen cabashooyin la xiriira kororka qiimaha maciishadda iyo cuntada, iyagoo dowladda Kenya ka dalbanaya in wax laga qabto culayska dhaqaale ee haysta.

Hay’adda ayaa rakaabka kula talisay inay si toos ah ula xiriiraan shirkadaha diyaaradaha ay raacayaan si ay u helaan xogta ugu dambeysa ee ku saabsan jadwalka duullimaadyada, isla markaana ay safarkooda ku saleeyaan xogta cusub.

Hay’adda Garoomada Diyaaradaha Kenya ayaa raalli-gelin ka bixisay dib u dhacyada iyo caqabadaha ay rakaabku la kulmeen, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto bixinta xog cusub marka xaaladdu is beddesho, ayna dadaal ugu jirto in howlaha garoonka dib loogu soo celiyo sidii caadiga ahayd.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed