Maxaa kasoo baxaysa kulan Muqdisho ku dhexmaray mucaaradka & Odoyaal Dhaqan?

Shir u dhexeeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka caasimadda ayaa maanta ku dhexmaray magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Kulanka oo uu gar hayeen ka ahaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa mucaaradku ku soo bandhigeen walaacooda ku saabsan marxaladda kala-guurka, iyagoo tilmaamay in muddo-xileedka Baarlamaanka uu dhammaaday, isla markaana uu ku xigo kan Madaxweynaha oo maalmo kooban ka harsan yihiin.

Ra’iisul wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dalka uu wajahayo sida uu hadalka u dhigay xaalad mugdi ah, wuxuuna ku dhawaaqay baahida loo qabo “Badbaado Qaran,” isagoo ugu baaqay shacabka inay door ka qaataan dadaallada socda.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo hufan oo la isku raacsan yahay, iyagoo ka digay qorshe kasta oo horseedi kara sida ay ku doodeen muddo kororsi iyo khilaaf siyaasadeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay madax hore oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaareyaal iyo xildhibaanno, halka odayaasha dhaqanka ay door muuqda ku lahaayeen dhexdhexaadin la sheegay in lagu kala dhexgalayo iyaga iyo dolwadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed