Maxaa kasoo baxay kulankii mucaaradka iyo madaxweynaha Soomaaliya oo waraji badan yeeshay?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Mucaaradka ee Madasha “Samatabixinta Soomaaliyeed” oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta markale kulankii labaad ku dhexmaray xarunta Madaxtooyada Qaranka, waxaana kasoo baxay ajendayaal ah in isla bishaan dib la iskugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada labada dhinac.

Kulankan ayaa ahaa mid la xiriiray is aragii hore, gaar ahaan kii dhacay 25-kii June 2025, kaasoo Madaxweynaha uu la yeeshay xubnaha Madasha – kuwaas oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaayaal hore iyo siyaasiyiin miisaan leh oo mucaarad ah.

Waxyaabaha kulanka maanta diiradda lagu saaray waxaa madaxtooyada Soomaliya ku sheegtay inay ka mid ahaayeen ka hadlidda qodobadii hore, iyadoo dhinacyadu markale ku ballameen in dib la isugu soo laabto 20-ka bishaan Luulyo, 2025 “si loo sii ambaqaado arrimihii laga wadahadlay”.

Hadaan idin xasuusino waxyaabaha kulankii hore looga wadahadlay afar qodob oo kala ahaa: Adkeynta midnimada dalka, Hannaanka dib-u-eegista dastuurka, Amniga iyo ciribtirka argagixisada iyo Hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay.

Inkasta oo aan si waafi ah loo ogaan karin waxyaabaha rasmiga ah ee kulanka xiga laga filan karo, haddana ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu wado dedaallo uu ku doonayo inuu ku dejiyo tabashooyinka mucaaradka, loogana fogaado khilaaf siyaasadeed oo sii qoto dheeraada.

Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay maamulada Puntland iyo Jubbaland si cad u diideen qaabka loo wajahayo wax ka beddelka dastuurka iyo jihada cusub ee doorashooyinka, taasoo khilaaf siyaasadeed oo hor leh abuurtay.

Waxaa su’aalo ka taagan yihiin ilaa 3 qodob oo ah u bucda khilaafka mucaaradka iyo madaxda DFS, kuwa oo ah dastuurka, doorashooyinka iyo doorka madaxweynaha sida uu ahmiyad u siiyo, haddii xal loo helane keeni kara sida ay qabaan dadka siyaasadda falanqeeya geeska Afrika mid weyn oo wax ka bedeli karta bad-qabka dalka iyo kalsoonida siyaasadeed.

Shirka maanta wuxuu fure u noqon karaa hagaajinta xiriirka Villa Somalia iyo mucaaradka – haddii si dhab ah loo tixgeliyo cabashooyinkooda. Hase yeeshee, haddii kulanka uu noqdo mid sawir siyaasadeed uun ah, falanqeeyaashu waxay muujinayaan suuragalka kala fogaanshuhu iinuu sii bato, taasi oo saameyn xun ku yeelan karta xasilloonida siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka ay soo dhawdahay doorashada guud.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed