Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan albaabada u xirnaayeen la yeeshay Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo xubnaha Golaha Wasiirrada looga warbixiyay dadaallada dowladda ee lagu hor istaagayo aqoonsi ay Israa’iil siisay Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa, sida aan kasoo xiganayno ilo diblomaasiyadeed oo kulanka ka ag dhow, si gaar ah fariimo ula wadaagay xubnaha Golaha Wasiirrada ee kasoo jeeda gobollada waqooyi, isagoo ku boorriyay inay dhankooda kaalin muuqata ka qaataan arrintan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalal uu ku tilmaamay “kuwa awoodda leh” oo taageeraya madax-bannaanida, midnimada, iyo qaranimada Soomaaliya, isaga oo muujiyay rajada ah in awooddooda diblomaasiyadeed loo adeegsan doono difaaca midnimada dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Wasiirrada ku boorriyay inay ka fogaadaan khilaafaadka gudaha ee la xiriira arrintan, isla markaana si mideysan oo wadajir ah u difaacaan midnimada dhuleed iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

