Maxaa ka soo kordhay safarkii madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Norway

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Jonas Gahr Støre.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu Ra’iisul Wasaaraha Norway kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Norway uu kala hadli doono iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha amniga iyo horumarinta. War-murtiyeedka ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in wada-hadalladan ay ku dadaalayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway oo ka dhexeeya dhinacyo kala duwan leh

Dowladda Norway ayaa casuumaad u fidisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ka mid yahay madaxda ka qeyb galeysa shirka Nabadda ee 11-ka June ilaa 12-ka June ka dhacaya magaalada Oslo.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmi doona qaar ka mid ah Madaxweynayaasha lagu casuumay shirkan, waxaana la filayaa in uu kala hadlo iskaashiga iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

Lasoco wixii kusoo kordha

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed