Waxaa weli socota baaris lagu ogaanayo heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dab xooggan oo xalay ka kacay Suuq Bacaad oo ah suuqii labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, kuna yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Dabka ayaa saacado badan gubayay qeyb ka mid ah suuqa, iyadoo xilli dambe oo xalay ahaa lagu guuleystay in la damiyo. Kooxaha dab-damiska ayaa si adag uga shaqeeyay sidii aanay dabkaasi ugu fidin qaybo kale oo muhiim ah, iyagoo la tacaalayay dabayl xooggan oo meesha ka jirtay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo booqday goobta uu dabku ka kacay ayaa sheegay in dhacdadu ahayd mid “aad u xanuun badan”, wuxuuna shacabka iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay si degdeg ah u gurmadaan ganacsatada khasaaraha ku dhacay.
Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in waddooyin dheeraad ah loo sameeyo suuqyada, si ay u fududaato in dab-damiska iyo gurmadka degdega ah ay si sahal ah u gaaraan goobaha ay dhibaatooyinku ka dhacaan.
“Xalay markii dab-damiska la keenay meel loo maraa lama helin suuqa. Waa in laga gaashaanto arrintan oo waddooyinka la sameynayo ma ahan mid dhul lagaga qaadanaayo” ayuu yiri Muungaab.
Guddoomiyaha Waratada Suuq Bacaad Ciise Cali Abuukar ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyey qeybaha lagu iibiyo maacuunta iyo saliidda.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax ayaa xaqiijiyey in dabka uu ka dhashay koronto, wuxuuna sheegay in uu sababay geerida hal gabar. Ma jiro qof kale oo dhaawac soo gaaray, sida uu xaqiijiyay.
Ganacsatada qaarkood sida Ibraahim Muuse ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka gubteen dukaamo iyo hanti fara badan oo ay ka mid ahayd mid ay lahayd hooyadiis, taasoo muujinaysa baaxadda khasaaraha qoyskaas gaaray.
Dowladda hoose ee gobolka Banaadir iyo maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin looga hortagayo in mar kale ay dhacaan masiibooyin noocan oo kale ah.
HBN ONLINE TV