Maxaa ka soo baxay wadahadalkii Turkigu ku dhexdhexaadinayay Soomaaliya & Itoobiya?

Wadahadladii lagu dhex dhexaadinayey Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socday dalka Turkiga ayaa maanta ku soo soo idlaaday natiijo la’aan, kadib markii dhinacyada isku mari waayeen qodobada qaar oo kala fogeeyey in bar kulan dhexe la iskugu yimaado.

Wasiirka arimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay ayaa sheegay in kulankii dhexdhexaadinta ahaa ee kala dhaxeyey dowladda Itoobiya in uu soo dhamaaday.
Sida oo kale Wasiir Fiqi oo aan marnaba soo hadal qaadin weedha Itoobiya ayaa damaca dalkaasi ku sifeeyey “ku qabso ku qadi mayside” isaga si cad u sheegay in Soomaaliya mawqifkeeda uu hal mid yahay.

Wasiirka arrimaha Dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa si gooni gooni ah ula kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo kan Itoobiya, Taye Atske Selassie.
Ilo-wareedyo dublamaasiyadeed ayaa u sheegay HBN Online in wufuudda Soomaaliya & Itoobiya aanay yeelan kulamo fool ka fool ah. Taas bedelkeedana, Turkigu wuxuu ciyaarayay doorka dhex dhexaadinta ee labada dal.

Sida laga soo xigtay sarkaal ku dhow wada-hadallada, oo codsaday inaan la aqoonsan sababo la xiriira xasaasiyadda warkan uu leeyahay ayaa HBN Online u sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Hakan Fidan uu min la laba jeer la kulmay wafdiga Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal looga gaaro khilaafkooda, balse waa la isku mari waayey.

Arrimaha ugu waa wayn ee la isku mari waayey ayaa ah halka uu ku dambayn doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka dhaliyay, ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland 1-dii January ee sanadkan, iyo Itoobiya dalbanaysay in ay hesho bad ay isticmaasho.

Mid ka mid ah ergada ka qayb galaysay wadahadalka dhanka Soomaalida oo codsaday in magaciisa aan la xigan ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku adkaysatay in Itoobiya ay ka laabato is-afgaradkii Abiy Axmed la saxiixday Muuse Biixi Cabdi, oo uu sifeeyay mid sharci darro ah, isla markaana Addis Ababa ay raaligalin ka bixiso sida uu sheegay “xadgudubkii” ay ku sameysay madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, haddii sidaasi aysan dhicin aysan la fariisan doonin wafdiga Itoobiya.

Falanqeeyayaasha gobolka ayaa sheegaya n Itoobiya u isticmaalayso is-afagaradkii ay la saxiixatay Somaliland gorgortan ay dawlada Soomaaliya ku riixayso in y ugu ogaalato doonista bad ay si buuxda u isticmaasho, qodobkaas ayaa loo arkaa inuu fashil ka dhigay wadahadalka, maadaama Soomaaliya ay gabi ahaanba ka soo horjeeda in wax lagu dhameeyo xeer jajab, ayna ku adkeysanayo qawaaniinta caalamiga ah in lagu saleeyo heshiis kasta oo la galayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed