Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa la kulmay xubno ka tirsan Madasha la baxsay “Badbaadada Qaranka” oo ah xubnaha mucaaradka Dowladda Soomaaliya, isagoo la socday xubnaha kale ee xubnaha beesha caalamka oo magacooda C6+ lagu soo koobay.
Kulankan ayaa ka dhacay Muqdisho, wuxuuna qeyb ka yahay sida la sheegay dhaqanka kooxda C6+ ee kulamada joogtada ah la leh bulshada rayidka ah iyo kooxaha mucaaradka, marka lagu daro la-tashiyada ay la leeyihiin dowladda — sida sidoo kale dhacday intii lagu guda jiray wadatashiyadii Golaha Musharaxiinta Madaxweynenimada sannadihii 2021–2022.
Intii uu kulanka socday, xubnaha beesha caalamka ee C6+ waxay carrabka ku adkeeyeen taageeradooda ku aaddan wadahadal furan oo loo dhan yahay, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in madaxda Soomaaliyeed ay mideeyaan dadaalladooda si loo wajaho caqabadaha amni, siyaasadeed iyo horumarineed ee dalka horyaalla.
Beesha caalamka ayaa si cad u muujisay in wadajirka iyo is-fahamka madaxda Soomaaliyeed uu fure u yahay horumarka Soomaaliya iyo badbaadada danaha shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV