Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada dalka, oo uu ku jiro maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee taagan, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed si adag u xoojinaya wadajirka, jiritaanka iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Waxaa xusid mudan in aanay shirka ka soo muuqan hoggaamiyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Shirka ayaa si wadajir ah loogu cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, taas oo madaxdu ku tilmaameen xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu sheegay in goluhu si buuxda u diiday kuna gacan sayray tallaabadaas sharci-darrada ah, isla markaana ay halis ku tahay nabadgelyada gobolka, gaar ahaan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe.
Goluhu waxa uu adkeeyay in mowqifka Dowladda Federaalka uu yahay mid aan gorgortan ka galayn ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka, isla markaana tallaabo kasta oo ka hor imanaysa arrintaas ay tahay mid aan sharciyad lahayn.
Sidoo kale, waxaa lagu baaqay in la mideeyo dadaallada dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada si looga hortago aragti kasta oo lagu sifeeyey “goonni-goosad”.
Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa Golaha siiyey warbixin ku saabsan dadaallada dowladda ee la xiriira difaaca qaranimada, amniga iyo mustaqbalka dalka, isagoo ku boorriyey dhammaan hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hortagaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

