Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan aan la sii shaacin oo ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha maamullada Koonfur-galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo la sheegay inuu horudhac u ahaa baaqiisii dadaallada mideynta iyo hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab.
Kulanka oo la sheegay in lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda ayaa lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta”.
Sidoo kale, inta kulanku socday ayaa la tilmaamay in laga wadahadlay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha, taas oo ujeedkeedu tahay sida la carrababay “in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka kooxaha Alshabaab”.
Ugu dambeyn dhinacyada ayaa isku raacay in gogasha taala ay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan sida hadalka loo dhigay in “cod iyo cududba loo mideeyo Alshabaab”.
Wadahdalaan oo hordhac u ah kulamo la iclaamiyey oo xubnaha Mucaraadka ay ku jiraan ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona badi maamul-goboleedyada dalka, inkasta oo Puntland si cad u sheegtay inay ka mid ahaan doonin, halkii Jubbaland oo ay isku mowfiq ahaayeen soo dhaweysay.
HBN ONLINE TV