Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa kulan gaar ah la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.
Xamsa iyo Weber ayaa kawada hadlay xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya & Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda sida lagu yiri war lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamsa.
kulankaan inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda ka taagan geeska Afrika ee salkeedu yahay xadgudubka Gurracan ee Itoobiya ku heyso Madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xamsa iyo Annette ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay Amniga iyo nabadda Gobolka, dedaalka ugu weyn ee lagu bixin karana uu yahay in si wadajir ah la isku kaashado si xal waara loo helo.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madax katirsan mas’uuliyiin ka qaybgalaysa shirka meertada 79-aad ee Qaramada Midoobay.
HBN ONLINE TV

