Waxaa maanta magaalada Laasacaanood soo gaaray wafuud kala duwan oo u badan Salaadiin ka socda gobollada Sanaag iyo Haylaan (Highland), kuwaa oo ka qeyb gali doona shirweynaha iyo wadahadalo la filayo in dhawaan ay ka dhacaan caasimadda SSC-Khaatumo, sida ay sheegeen guddi gaar ah oo maamulku u xil saaray.
Dadka ku casuuman dhameystirka gogasha SSC-Khaatumo oo lagu wado inay isaga kala yimaadaan gobolada uu maamulku sheegto ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda soo gaaran, iyaga oo qaarkood si hordhac ah loo sii shaaciyey inay ku soo wajahanyihiin magaalada Laasacaanood, qaarne yimaadeen.
Goor sii horeysay warbaahinta gudaha ayaa soo warisay in magaalada ay soo gaareeen wafdi ka soo kicitamay gobollada Sanaag iyo Haylaan, waxaana xubnahaasi wafoodda ah huggaaminaya Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Abdirashiid Yuusuf Jibriil & xubno kale ee garaaddo ah.
Masuuliyiinta SSC-Khaatumo ay u magacowday maamuska soo dhawaynta Ergada Shirweynaha SSC-Khaatumo ayaa bulshada Caasimada Laasacaanood ugu baaqey inay soodhaweyaan dadka imaan doona.
Xubnahaan oo afka maamulka ku hadlay ayaa sheegay in dhismaha SSC-Khaatumo aanay cidna khatar ku aheyn, sidoo kalane uusan wax u dhimi doonin sida hadalka u dhigeen siyaasadda iyo wada deganaanshiyaha Puntland kala dhexeeya.
HBN ONLINE TV