Maxaa ka socda Maanta Laasacaanood?

Magaalada Laascaanood ee SSC-Khaatumo ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirweynaha lagu dhameystirayo maamulka, kaas oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay, waxaana goor sii horeysay ka degay wafdi heer Federaal ah oo uu hoggaaminayey wasiirka arimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosh iyo xubno kale.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeyay waxaana waddoyinka Laasacaanood lagu arkayay ciidamo gaar ah oo sugaya amniga caasimadda, iyada oo awaamiir ka soo baxday maamulka lagu amray in wax hub ay mamnuuc tahay marka laga reebo hay’adaha ammaanka ee shirka amnigiisa sugaya.

Shirka oo ay ka shaqeeynayeen guddi ka kooban 8 xubnood, kaas oo ay magacowday Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa maalimihii ugu dambeeyay magaalada Laascaanood ka waday kulamo wadatashi, iyaga oo si gaar ah wadashaqeyn ula lahaa hoggaanka maamulka.

Sidoo kale, Guddigaan farsamo ayaa magaalada Laascaanood waxa ay ku soo dhaweeyeen wufuud kala duwan oo lagu casuumay ka qeyb galka shirkaan, xilli qaar ka mid ah madax ka socoto Xukuumadda Soomaaliya ay horay ugu sugnaayeen SSC-khaatumo.

Shirweynahaan ayaa ku soo aadaya xilli uu khilaafan adag ka taagnaa hannaanka loo marayo maamul u sameynta SSC-Khaatumo, waxaana la arkayay siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag oo wada qorshe ay ugu biirayaan maamulkaan cusub.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay maamulka SSC-Khaatumo ayaa ugu baaqay in ay joojiyaan faro galinta iyo qorshaha ku aadan gobolka Sanaag. Dhankooda Somaliland ayaa si adag ugu eedeysay Dowladda Soomaaliya dhismaha SSC-Khaatumo inay ku carqadeyneyso ammaanka gobolka, iyaga oo sheegay inay xaq tahay in Puntland is difaacdo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed