Shabakada wararka Semafor ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa baahisay in Somaliland ay maamulka madaxweyne Donald Trump u bandhigtay heshiis ah in lagu beddesho aqoonsi diblomaasiyadeed — kheyraadka macdanta & saldhig ciidan.
Somaliland oo sheegata inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii balse aan helin aqoonsi caalami ayaa la sheegay in ay isku dayayso in ay hesho aqoonsi caalami ah iyada oo adeegsaneysa istaraatiijiyadda muhiimka ah ee juqraafi ahaan iyo macdanta ku dihan deegaanadaas.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in Somaliland ay u aragto xiriirka Mareykanka fursad lagu helayo taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo ay jirto tartan sii kordhaya oo la xiriira saameynta Shiinaha iyo Ruushka ee Geeska Afrika.
19-ka bishii hore ee July, Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay magaalada Hargeysa ay ku marti-gelisay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Maraykanka, kuwaas oo booqasho shaqo ku joogay muddo laba cisho ah Somaliland. Wafdigan waxaa hoggaaminayay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Richard Riley, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Michael Langley, saraakiil sare iyo diblomaasiyiin.
Warbixinta shabakda Semafor waxaa lagu sheegay in Intii booqashadu socotay waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, iyadoo kulankaasi la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca iyo danaha wadajirka ah ee labada dhinac, waxayna booqdeen magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera, halkaas oo ay kormeereen kaabeyaasha muhiimka u ah sugidda amniga iyo difaaca gobolka.
Somaliland waxay ku sheegtay booqashada wafdiga Maraykanka mid muujinaysa sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi waara oo la xiriira nabadgelyada, ganacsiga iyo difaaca xuduudaha, iyadoo booqashadaasi ay dhalisay tuhun horay u jiray oo ku aadan damaca Washington ee ku aadan daneyntiisa gobolka, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya.
Wafdiga Maraykanka maalin ka dib u gudbay Addis Ababa, iyaga oo kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya warbixinta shabakada ay qortay Semafor oo ka ka soo baxay dhanka Somaliland ama maamulka Trump.
HBN ONLINE TV