Maxaa ka jira inuu madaxweyen Xasan Sheekh u socdaalkii ugu hroeeyey ku tagi doono maamulka Waqooyi Bari

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu socdaalkiisii ugu horreeyay ku tago magaalada Laascaanood ee maamul goboleedka Waqooyi Bari, booqasho lagu sheegay mid leh saameyn iyaasadeed iyo amni ee arrimaha iyo gobolka. Arintan ayaa dhanka Somaliland loo fasiray mid aad u adag, ayna si weyn u diidan yihiin.

Tan iyo bilowgii toddobaadkan, Laascaanood waxa ay martigelinaysay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo safarradoodu hordhac u yahay booqashada Madaxweynaha. Wafdiyadaasi waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, waxaana ku wehliyay wasiirro kale iyo xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Wasiir Fiqi, ayaa si cad u xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu imaanayo Laascaanood, isagoo sheegay in socdaalkaasi yahay mid fariin u diraysa shacabka iyo beesha caalamka oo muujinaysa xoojinta midnimada dalka iyo dhammaadka mashruucii gooni-u-goosadka.

Ujeeddada guud ee booqashada wafdiyada iyo tan Madaxweynaha ayaa lagu sheegay xoojinta amniga, la-tashiyo siyaasadeed, iyo qiimeynta xaaladda maamulka iyo horumarka deegaannada gobolka, iyadoo booqashadani kusoo beegmayso xilli Laascaanood ay noqotay xarun muhiim u ah dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo dowladeed ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed