Dhowr iyo labaatan xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacayo ee gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen Maayirka magaalada Maxamed Cabdirisaaq, ka dib mooshin maalmahan dambe taagnaa oo ka dhan ahaa maamulkiisa.
Go’aankan ayaa yimid iyadoo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Deegaanka uu horkacayay kulanka, kuwaas oo sheegay in cod aqlabiyad leh xilka looga qaaday Maayirka sida ay hadalka u dhigeen.
Xil-ka-qaadistan ayaa ku soo beegmaysa xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay dhawaan dib u dhigtay kalfadhigii rasmiga ahaa ee Golaha Deegaanka, taasoo su’aalo ka dhalisay habraaca sharci ee loo maray go’aankan cusub.
Arrintan ayaa sii hurin karta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka degmada Gaalkacayo, iyadoo la filayo in Puntland ay ka hadasho mowqifkeeda rasmiga ah.
HBN ONLINE TV