Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyso Somaliland, isaga oo xusay in labada dhinac ay leeyihiin xiriir toos ah oo joogto ah.
Wareysi uu Sabtidii siiyay Doha News, ayuu wasiirku ku adkeystay in Somaliland ay weli qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana dowladda federaalka ay wado dadaallo diblomaasiyadeed oo ku socda sidii xal waara oo nabadeed loogu heli lahaa arrimaha u dhexeeya labada dhinac.
Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay ka go’an tahay wadahadal iyo in la dhiso “hannaanka siyaasadeed ee mideynaya aragtida shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.” Waxa uu ku tilmaamay xiriirka hadda u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa mid toos ah oo ku dhisan faham iyo iskaashi.
Wasiiru-dawluhu waxa uu muujiyay rajo ah in horumar la gaari doono, isaga oo ku celiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee wadahadal kasta oo horseedi kara nabad iyo midnimo qaran. “Waxaan rajeyneynaa inaan gaadhno heshiis oo xal siyaasadeed dhawaan la helo,” ayuu yiri.
Cali Cumar Balcad ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, gaar ahaan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Wuxuu sheegay in muhiimadda gobolka ay kordhay tan iyo furitaankii Kanaalka Suweys oo maanta ah halbowlaha ganacsiga caalamiga ah.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay kaalinta dhexe ee Soomaaliya ee dhinaca ganacsiga badeedka iyo istaraatiijiyadda, isaga oo digniin ka bixiyay in xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka ay saameyn ku leeyihiin ganacsiga iyo xasilloonida caalamiga ah, Soomaaliya na ay ku taallo meel istaraatiiji ah oo udub-dhexaad u ah horumarkaasi.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa caddeysay in aanay wax wadahadal ah oo u socda iyaga iyo Soomaaliya jirin. Somaliland waxay sheegtay inay si rasmi ah u hakisay wadahadallada horraantii sannadkan kadib waxay ugu yeertay faragelin cad oo Soomaaliya ku sameysay arrimaha gudaha Somaliland.
“Somaliland waxa ay weli tahay dal madax-bannaan, xasilloon oo nabad ah. Shacabkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh. Hadallo aan sal lahayn, ma abuuri karaan kala-qaybsanaan ama mugdi ku saabsan xasilloonida Somaliland” ayaa lagu war lagu daabacay bogga wasaaradda.
Waxay ku dooday wasaraddu iyaga oo ku doodaysa “Masuul kasta oo doonaya inuu qalloociyo xaqiiqadan ama uu warar marin habaabin ah u gudbiyo warbaahinta caalamiga ah ma laha wax awood ah oo u fasaxaysa arrintaas”.
Xiriirka wadahadalada ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad galay, kadib markii xukuumadda Hargeysa sheegtay in lagu xad-gudbay qeybo ka mid ah deegaano ay sheegato.

