Maxaa ka jira in Turkigu uu wafdi u diray Puntland Kala hadla arinta Markab Sea World?

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in wefti ka socda safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ay dhawaan booqdeen magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari ee dowlad-goboleedka Puntland.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in ay wadahadallo la yeeshaan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni si ay uga wada hadlaan markabka Sea World oo in ka badan laba toddobaad ku xayiran dekedda Boosaaso. Markabka waxaa lagu qabtay meel u dhow xeebta Bareeda oo ah tuulo ku taalla gobolka Bari, waxaana la sheegay inuu siday hub.

Maamulka Puntland ayaa haatan baaraya duruufaha ku xeeran markabka iyo sharcinimada waxa saaran oo hub culus u badan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hubka iyo qalabka ciidan ee saarnaa markabka loo waday xarunta tababarka Turksom ee Muqdisho. Xarunta Turksom waa saldhig ay maamulaan Turkiga, waxayna door muhiim ah ka ciyaartaa tababarka ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Inkastoo arrintan la caddeeyay, haddana qabashada markabka waxay dhalisay su’aalo ku saabsan isgaarsiinta iyo is-waafajinta u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Booqashada diblomaasiyiinta Turkiga ayaa loo arkaa tallaabo loo qaaday xallinta arrinta iyo in lagu fududeeyo sii daynta markabka. Si kastaba ha ahaatee, maamulada Puntland iyo safaaradda Turkiga midkoodna weli ma soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan wadahadallada iyo natiijadooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed