Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhacdo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo la sheegay in masuuliyiin ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed laga celiyay mid ka mid ah albaabada laga galo garoonka.
War-saxaafadeed ay caawa soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta u caddeyneyso in habraaca soo jireenka ah ee sugida amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle uu si buuxda u shaqeynayo, islamarkaana uu khuseeyo cid kasta oo dooneysa inay gasho ama ka baxdo garoonka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in habraacaasi u dhigayo in wixii ka dambeeya 5-ta galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.
Bayaanka ayaa lagu yiri “waxaa dhacday in qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyey in xilliga habeenkii la isticmaalo. Tallaabadaas waxay halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka, waxayna jebinaysaa habraaca rasmiga ah ee sugista amniga.
Wasaaradda Amniga Gudaha waxay mar kale caddeyneysaa in habraacyada amniga garoonka ay wada khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta, xil haya iyo kuwo horeba, isla markaana aan cidna laga reebayn fulinta nidaamkaas.
Dhanka kale, Wasaaraddu waxay iftiimineysaa in aanay jirin masuuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonka.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in masuuliyiin ka tirsan Madasha Samatabixinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble & xubno kale laga celiyay albaabka Marina Gate ee laga galo Garoonka Diyaaradaha oo ay hadda degan yihiin Hotel ku yaal madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland.
Ma jiro war oo ilaa iyo hadda ka soo baxay madasha mucaaradka, inkastoo xilligan ay ku jiraan shir ay ku leeyihiin guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
HBN ONLINE TV

