Iyada oo saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen wararka la xariira in Alshabaab ay xayiraaddii ka qaaday degmada Xudur ee gobolka Bakool oo muddo 10 sano ka badan saarneyd ayaa waxaa arintaasi warbaahinta u xaqiijiyey ganasatada deegaanka oo kooxda kala hadlay in xayiraaddaasi la qaado.
Xiirow Sanweyne oo ah guddoomiyaha ganacsata Xudur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la qaaday Xayiraadii Saarneyd 12-sano ka dib markii wadahadal toos ah ay wada-yeesheen ganacsatada iyo Alshabaab, waxaana uu tilmaamay in kulamadaasi ay dhowr jeer oo kala duwan dheceen.
“Waa la kulannay, waxaan ugu tagnay Tiyeeglow, waxaana kala hadalnay dhibaatada ay cunaqabataynta nagu heyso.” ayuu yiri gudoomiye Xiirow Sanweyne.
Sidoo kale, waxaa uu ku dooday in sababta kooxda ugu tageen inay tahay dhibaatada deegaanka kaligiis ku kooban, ayna kala hadleen si uu ula mid noqdo deegaannada kale, isagoo carrabka ku dhuftay in taasi Alshabaab isku fahmeen.
Waxyaabaha fududeeyey in wadada la furo ayuu ku yir “Ku noqnoqashadii iyo Wadahalkii badnaa waxaa ka dhashay in wadada inoo furanto”, waxaana uu tilmaamay in gobolka ay kaliya ka saarneyd xayiraaddu degmooyinka Xudur iyo Waajid.
Xayiraadaha saarnaa degmada ayaa keenay in adeegsada qutul duruuriga ee soo gala ay qaaliyoobaan. Sida uu sheegayo gudoomiye Xiirow haafka bariiska, Burka iyo Sokorta oo qiimo ahaan dhan $25 Doollar suuqyada kale, ayuu tilmamaay in laba jibaarka lacagtaasi ay ka joogeen Xudur.
Kooxda Alshabaab ayaa xayiraaddo dhanka ganacsiga ah iyo dhaqdhaqaaqa waxay ku heysay 10-kii sano ee ugu dambeeyey degmooyin iyo deegaanno ay ka taliso koonfur galbeed, taasi oo saameyn ku yeelatay isku socodka iyo nolosha caadiga ah.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in iyane xayiraadda laga qaaday degmada Qansaxdheere oo caasimadda ku meelgaarka ah ee Koonfur galbeed 18-KM koonfur galbeed kaga began.
Ma jirto masuul ka tirsan maamulka Koonfur galbeed oo ka hadlay ganacsatadan la kulantay Alshabaab, taasi oo horay Hay’adda Dowladda Soomaaliya uga digeen in wax wadahadal ah ay la yeeshaan kooxda ama cilaaqaad ah.
HBN OLNINE TV