Maamulka Puntland oo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay duqeyn lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen kooxda Daacish ayaa sheegtay in lagu dilay xubno isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib.
War ka soo baxay ciidamada Difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymaha Mareykanku uu ka fuliyey buuraha Calmiskaad lagu diley 48 xubnood oo Daacish, kuwaa oo ay ku jireen 12 ajaaniib ah, sida uu sheegay Af-hayeenka Ciidanka Difaaca Gen. Mxamuud Faadhigo.
Duqeymaha laga fuliyey buuraha Calmiskad ayuu tilmaamay in lala eegtay 8 goobood, taasi oo haleeshay xubnaha kor ku xusan sida uu hadalka u dhigay ee Daacish. Afhayeenka ayaa sheegay in xogtan dhimashada xubnahaan in la ogaado ay iska kaa shadeen sida uu warka u yiri “Mukhaabaraadka Puntland iyo saaxiibada” howlgalka fuliyey.
Sidoo kale, waxaa uu carrabaabay in aysan jirin wax dad rayid ah oo wax ku noqday duqeymahaasi ay fuliyeen ciidamada Maraykanka.
Puntland iyo DFS oo warar kala duwan ka soo saaray duqeymahaan ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka oo sheegtay inay beestay fariisimo Daacish ku lahaayeen buuraha gobolka ee Soomaaliya, iyadoo ku soo koobtay in la dilay xubno ka tirsan kooxda, balse aanay sheegin tirada saxda.
HBN ONLINE TV