Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay heshay gaadiid dagaal oo casri ah, kadib markii muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshada ay muujiyeen taangiyo dagaal oo laga soo dejinayo Dekedda Muqdisho, isla markaana lagu arkay iyaga oo baabuurta xamuulka ah ee xambaarayaasha lagu sii marinayo waddooyinka caasimadda Muqdisho. Muuqaalladan ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, iyadoo dood xooggan ka dhalatay nooca iyo ujeedada hubkan culus.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in taangiyadaasi ay ka mid yihiin noocyada M-48, T-62 iyo M60 Patton, kuwaas oo lagu arkay muuqaallada la helay. Imaanshaha gaadiidkan dagaal ayaa falanqeeyayaasha arrimaha amaanka waxay sheegeen inay wax weyn ka tari karto dagaalka lagula jiro kooxaha loogu yeero argagixisada, isla markaana kor u qaadi karto dadaallada lagu xoojinayo awooda ciidamada qaranka, xili la sheegay in loo galbiyay dhanka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmo ka hor markab dagaal uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, kaasi oo ay booqdeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo xubno ka socday wasaaradda gaashandhigga.
Ilo dhanka ammaanka ah oo aan la xariirnay ayaa ino sheegay inay jiraan gadiidkan dagaal dagaal ee laga soo dejiyey dekadda Muqdisho, ayna jiraan kuwa kale oo la filayo in ilaa caawa iyagana la soo dejiyo dekadda, balse wuxuu ka gaabsaday inuu inala wadaago nuuca iyo tirada rasmiga ee ilaa hadda Dowladda Soomaaliya heshay.
Warbixinno hore ayaa tilmaamayay in hubkan culus ay keentay Dowladda Turkiga, taasoo muujinaysa sii xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya labada dal, arrintaas oo muujin karta kororka tartiib-tartiibka ah ee awoodda ciidanka dhulka ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

